Thursday, July 18, 2013

YAASIIN MAAXI: "Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay gacan qabasho ee uma baahna in la mucaarido xilligaan..."


Guddoomiyaha Xisbiga SSUP, isla markaana ka mid ahaa musharrixiintii doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, Mr. Yaasiin Maaxi Macalin ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aysan habbooneyn xilligaan in la mucaarado xukuumadda Soomaaliya, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in lala taliyo oo la gacan qabto Dowlada Cusub.

Guddoomiyaha Xisbiga SSUP oo war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlayey xaaladda siyaasadeed , dhaqaale iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ayaa waxa uu farta ku fiiqay in xukuumadda hadda jirta ay u qabsoomeen wax badan oo la taaban karo, sidoo kalena ay u dhiman yihiin waxyaabo badan oo laga sugayo in ay horumar ka gaarto, isagoo intaasi ku daray in siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay samir iyo dulqaad ay ku garab istaagayaan dadaallada socda si shacabka Soomaaliyeed uga baxo dhibaatada daba dheeratay.

Yaasin Maaxi oo hadalkii sii wata waxa uu yiri ”waa jiraan caqabado badan, balse waxaa muuqata in Soomaaliya hore u qaaday tallaabooyin wanaagsan oo looga gudbi karo dhibaatadii dheerayd ee dalku ku soo jirey dhawr iyo labaatanka sanaddood, hase yeeshee haddii ay sii socdaan abaabulka iyo shirarka ay wadaan siyaasiyiin hore ugu fashilantay arrimaha Soomaaliya, waxaa dhici karta in uu istaago horumarka yar ee muuqda, isla markaana dalku dib ugu laabto caqabado badan oo uu ka soo gudbay muddaii yarayd ee xukuumadda iminka jirta ay shaqeyneysay”.

GUddoomiyaha SSUP waxa uu talo ugu soo jeediyey siyaasiyiinta shirarka caqabadaha ah ku abaabulaya hoteello ku yaalla dalalka deriska ah in ay la yimaadaan fikarado hufan oo waxtar u yeelan kara shacaka Soomaaliyeed oo halgan ugu jira sidii uu sharaftiisii iyo karaamadiisii dib ugu soo ceshan lahaa, isagoo arrintaasi sii ambaqaadayana waxa uu yiri ”waa nasiib darro in siyaasiyiintii laga sugayey in ay kaalintooda ka qaataan samatabixinta Soomaaliya in ay ka soo yeeran hadallo wax u dhimaya qaranka, isla markaana dhiirigelin u noqon kara cadowga gudaha iyo dibedda ee aan dooneyn in Soomaaliya ka soo kabsato dhibaatadii ku dhacday”.

Yaasin Maaxi Gudoomiyaha SSUP ayaa waxa uu war saxaafadeedkiisa ku soo gebogebeeyay baaq uu u jeedinayo siyaasiyiita Soomaaliyeed ee ku howllan waxyaabaha uu sheegay inay u muuqan karaan hagardaameynta xukuumadda Soomaaliya iyo kala qaybinta shacabka, kuwaasi oo uu yiri ”waxaa wanaagsan in fikradaha wax duminta lagu beddelo kuwa wax dhisidda iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kalena loo baahan yahay in xukuumadda lagala taliyo dhaliilaheeda intii la abaabuli lahaa shirar wax dumin ah.

No comments:

Post a Comment