Thursday, July 18, 2013

Wargelin muhiim ah

Ramadaan Kariim

Dhammaan taageerayaasheyda qiimaha iyo qaayaha leh waxaan u soo gudbinayaa blog aan sameeyay oo aan hadda kaddib ugu soo gudbin doono dhaqdhaqaaqyada ka socda dalka Soomaaliya dhinac kasta, iyadoo uu noqon doono blog-gan mid shaqsi ah oo aan aniga Yaasiin Maaxi ahaan ku soo gudbin doono macluumaad ku saabsan arrimaha siyaaso-dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee dalka Soomaaliya.

Waad ku mahadsan tihiin in aad soo booqataan blog-geyga http://yassin-mahi.blogspot.se/






Mahadsanidiin
Yaasiin Maaxi

2 comments:

  1. Yaasiin, ku soo dhowow saaxadda blogga Soomaalida. Waxaan kaa sugeynaa in aad wax ku soo biiriso wacyiga iyo dood wadaagga Soomaalida. Ku talo gal in dad badani ay runta u yaqaannaan oo keliya waxa ay kula sheekeystaan dadka ay isku tuulo ka yimaadeen. Ra'yi kaas ka duwan marka ay arkaanna ay kuu arki doonaan in aad runta garab martay. Laakiin waxaa kugu fillaan doona dhallinyarada iyo dadka waaweyn intaba, kuwooda doonaya in ay maskax furan ku fiiriyaan wixii aad qorto, kuwaas oo weliba mararka qaar dhiibanaya aragtiyo aan hubo in ay wax kugu soo kordhin doonaan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mudane Yusuf Garaad aad baan kuu salaamayaa waadna ku mahadsan tahay soo dhaweyntaada iyo dhiiri gelintaada bloggan waxaan rajeeynayaa ineey dad badani ku xirnaan doonaan anan soo bandhigi doono dood wadaag iyo wacyi gelin ku jeedo Bulsha weynta Soomaaliyeed meelkasto aay joogaan. Mar kale mahadsanid Mudane Yusuf Garaad.

      Delete