Thursday, August 15, 2013

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed waxaan ka codsan la haa in aysan Caqabad ku noqon Isbadalka Socda..."


Isku Duubni Baa Guul Lagu Gaari Karaa
Yaasiin Maaxi Macalin

Waxaan amaan iyo bogaadin xoogan u dirayaa Dowlada Somalia iyo howsha baaxada weyn ee u dhabar adeegeyso ayadoo ku shaqeyneyso xaalad adag iyo daruufo kala duwan oo ka jira dalka.

"Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Team-ka kala duwan ee la shaqeynaya waxaan ku amaanayaa in ay dhabar adeeg xoogan sameynayaan oo ay dhag jalaq u siineyn Shaqsiyaal iyo kooxo dano gaar ah wata oo diidan Dowladnimo iyo in la helo sharafkii Qaranimada Soomaaliyeed"
"Qof walba waa ogyahay waxa ay tahay Dowladnimo weliba waxaa sii dareemi karo qiimaheeda Qurba Joogta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban Wadamada dibadda ah ayadoo taa jirto waxaan dhihi la haa yanan caqabad lagu noqon Dowlada Rasmiga ah ee inoo dhalatay ee haatan Caalamka aanan ka aheyn KMG ee ay tahay Dowlada rasmi ah.

Waxaan codsi iyo baaq u diray Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradsan Dowlada iyo Dowlada Somalia oo laba arimood oo muhiim ah ugu baaqay in ay isku fahmaan.

"Marka hore Dowlada Somalia waxaan dhihi lahaa Mucaaradnimo ma'ahan wax dhibaato leh ee aragtida waa lagu kala duwanaan karaan ha soo dhaweeyso fikradaha iyo araahda Mucaaradka hana la xaajooto taas ayaa guul lagu gaari karaa.."

"Dhanka kale Siyaasiyiinta iyo Kooxaha dhinaca u gadoodsan ee habeen iyo maalin u soo taagan Mucaaradnimada waxaan dhihi la ahaa sida aad wax ku rabtaan wax kuma toosayaan ee waxaad sameysaan tanaasul ee u taga Dowladiina ee la hadla waxii qalad ah ee jira oo aad aragtaan u sheega Madaxda Qaran ee Dalka waa ragg ka duwan Madaxdii hore ee ku dhageysata waana aaminsanahay in wax badan isbadali doonaan....."

"Waxaan ugu baaqayaa Siyaasiyiinta badi saaxiibadeeyda ah in aysan caqabad ku noqon Dowlada rasmiga ah ee inoo dhalatay oo aysan ka raacin magac xumo..

Allaa wax og
maaxi@hotmail.com
yassin-mahi.blogspot.se

No comments:

Post a Comment