Wednesday, July 31, 2013

"Soomaaliya uma baahna Maamul goboleedyo fowdo ah ee waxay u baahan tahay Dowlad Dhexe"


Qaran Qabiil ku dhis soow quusasho maaha!
Yaasiin Maaxi Macalin

Sida runta ah waa aay iska cadahay in dadkeena Soomaaliyeed lagala dagaalamayo wixii cusub ee horukac iyo aayatiin wanaagsan u horseedaya, laakiin wixii dib u dhac ah ee cusub waa in durbadiiba lagu hagaa.
Si aan u fahano dhibta ina haysto hadii aan nahay dowlad iyo dad hore caalamka looga tix gelin jirey, waxaan rabaa inaan halkaan ku soo bandhigo saddex wax yaabood oo ah  xaqiiqda dhabta ah ee ku wajahan dadkeena Soomaaliyeed waqtigaan xaadirka ah:

-Hogaamiyaal khaldan
-Shacab kala qaybsan
-Farogelin Shisheeye

3 aan soo sheegay ayaa waxey dhashay 4 qodob oo aan is iri soomaalida hada jirta waay ku heshiisay
• Ii talimaysid
• Kuu talimaayo
• Wada tashan meeyno
• Kala tagi mayno

Arimahaan ayaa ah kuwo iska soo horjeedo oo ”xujo ma falantee xaajo ayaa falanto”. qofku waa inuu noqdaa ama talo keen ama talo raac. Waxaadse moodaa in laga tagay hidihii iyo dhaqankii sooyaalka ahaa iyo in la iloobay murtidii soomaaliyeed ee aheyd lug hore hadii lug danbe dhaafto waa aay jabtaa.
Waxaa kaloo la arkay in Wadar iyo waaxid yaa waalan leys weydiiyo? Jawaabtu waxey aheyd waaxidka ayaa waalan, laakiin Soomaalida hada nool gadaal gadaal ayey u aqriyeen. Wadartii ayaa waalan, Meel wadartii miirdoorsoontay, la yaab maleh inuu waaxidkiina dhaho meel sideey u taal ayaa loola yaal. 
(oo waa laysla wada waashey)

Waa kuwa masuulka ka ah in la waayo dad isku hadaf ah oo ku mideysan in ay higsadaan afkaar sare oo ka madax banaan wixii dumiyey qarankii soomaaliyeed (DAWLAD CAADIL AH) oo ah qabiil, isla markaasna la waayo jawi mabda MIDNIMO ku salaysan .

Waa qodobadaas kuwa maanta hor yaala ee la dooneyno in layska kaashado, iskana kaashadaan cid walbo oo Ummada soomaaliyeed horumar la dooneeyso.

Waxaa ah arin la hubsaday ama la hubo ka dib markii ummmadaha horey umaray ay sanado badan kufaa dhacaayeen in habka ugu fiican ee dawlad  caadil ah lagu hanan karo DIMUQURAADIYAD
Taa loolama jeedo yaan xikmad laga qaadan umadaha kale ee horumay waayo Rasuulkeenna Muxammad (saw) wuxuu xadiis ku yiri: xikmaddu waa baadida Mu'mink meel alla meeshii uu ku arko isagaa ayaa kaga xaq leh cid kasta oo kale.

Soomaalida waxay siyaasadda (dimuquraadiyada) ula mid noqotay sir iyo khiyaanno haddii ay xumaato siyaasadu nolosha ayaa xumaata. Xasilooni-darrada dhinaca nabadgelyada ee haysata qaaradda Afrika, ee qoraxda iyo khilaafka siyaasadeed lagu yaqaanno, waxaa u sabab ah tabar-darrada dhinaca siyaasad iyo dhaqaala xumada dhinacyada maamulka bulshada iyo kheyraadka. Caddaaladda, oo iyadana ah qodob siyaasadeed, ayaa ah mid dhalin karta isla socodka iyo sinaanta bulshada dhexdeeda iyo is-aaminka shacabka qaranka, kana hortegi karta nin-jecleysi & eexda.

Bulshada Soomaaliyeed waa in loo soo celiyaa nidaamkii dimoquraadiga ahaa ee uu shacbiga doortay isagoo xor ah 1960kii, islamarkaasna bulshada soomalaiyeed meelkasta aay joogaan aay qiyaarkooda u doortaan cidii hogaamin lahayd.

Meel hoo u baahan hadal waxba kama taro waxaan taas ula jeedaa Ummmada soomaaliyeed waxay maanta dooneeysaa waa DAWLADNIMO ee ma dooneeyso tuugeeysi, dil, dhac, qabyaalad iyo waxyaabaha wasaqda ah ee maanta socda, waxaanse leeyahay bulsho weynta soomaaliyeed hadeey rabto dawladnimo iyo qarannimo waa ineey garataa DANTA GUUD waxaana taas lagu gaari karaa ayadoo SIYAASADDA SOOMAALIDA LAGA SIIBO XIDID XUMAHA KU JIRA EE AH QABIILEEYSIGA IYO HAB QAYBSIGA AWOODAHA 
(4.5 formula) ama 5 beeloodka Dawlada ku dhisan tahay. 
Qaran qabiil ku dhis soow quusaho maaha!


Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com

http://yassin-mahi.blogspot.se/

1 comment: