Muqdisho waa la wada degaa balse maamulkeeda ayaa la kala leeyahay
Ninna gurigiisa looguma taliyo, mana looga roono. (Qaybtii 1aad)
Ninna gurigiisa looguma taliyo, mana looga roono. (Qaybtii 1aad)
Magalada Muqdisho (Gobolka Banaadir) waa caasimaddii
soomaaliya (Somaliweyn) waa la wada leeyahay BALSE maamulkeeda waa la kala yeelanayaa.
Siyaasiyiinta u dhashay Magalada Muqdisho waxeey mudan yihiin in la dhowro
Xaquuqdooda.
Sida runta ah waa ay iska caddahay in dadkeena Soomaaliyeed
lagala dagaallamayo wixii cusub ee horukac iyo aayatiin wanaagsan u horseedaya,
balse taasi badelkeeda lau hanuuninaayo wixii aafo iyo dhibaato u kenayo.Waxyaalaha uur-ku-taallada iyo tiiraanyada xanuunka badan igu
abuuray in aan QALINKEEYGA QAATO waxaay
tahay anigoo arkaya khatarta cadawgeena nala damacsan yahay,taas oo ah Asbaabihii loo dhisay Dawladda soomaaliyeed in ay ka leexatay, islamarkaana la rabaa in
la maran habaabiyo ujeeddooyinkii loo soo dhisay, oo ilaa hadda waxay Dawladii iyo madaxdoodii
ku dhuumaaleeysanaayaan QABIIL, GOBOLEYSI iyo wax la yiraah xeer hoosaadka la
magac baxay 4.5, ayado gobollo lagu bahdilaayo Gobollada qaarkood iyo
qabiillada qaarkood.
Sida aad la socotaan Soomaaliya waa dal iyo dad la kala fur
furay xaga caqiidada, xaga dhalashada, xaga Soomaalinimada, xaga qabiilka, xaga
gobollada iyo xagga deegaanka. Hadii la rabo in leysku soo celiyo Soomaaliyadii
hore waa in xag hoose laga soo bilaabaa bottom to upp. Dadka degaan kastaa iyo
xaquuqda Siyaasi kastaana la dhowraa.
Waxaan isku raacsanahay Siyaasiyiin badan in Magaalada
Muqdisho Caasimaddii Dalka Soomaaliya in ay tahay (hooyadii Soomaaliyeed) balse
waxaa ila haboon in la tixgeliyo dadka deegaanka u dhashay iyo siyaasiyiintooda
oo maamul u gaar ah yeeshaan sida
Gobollada dalka ka dhismay oo kale. Sidoo kale waxaan isku raacsanahay inaan
Caasimadu wada leenahay.
Hadaba walaalayaal waxaa yimid siyaasiyiin ujeedkoodu yihiin
Sadbursi iyo siyaasad ku dhisan midiyahana aan qarsano waxna aan qalano.
Keyga anigaa iska leh, kaagana kula lihi
Xuquuqda Siyaasiga waa muhiim in la dhowraa markii aan sidaas
leeyahayna waxaan ula jeedaa Haddii la yiraahdo (Gobolka Banaadir) Muqdisho dadkaa
iska wada leh, ee qofkii sideyda oo kale siyaasiga ah aan magaaladaan degaan ay
u tahay kuna dhashay una dhashay oo aan meel kale weligiis tegin oo la yiraahdo
ummada soomaaliyeed ee 11 milyan ah (SOMALIWEYN) ayey ka wada dhaxeeysaa ama la yiraahdo
Qarankaa iska leh.soo taasi ma noqoneeyso in dad dhan xuquuqdooda lagu tunto.
Tusaaale kooban, in siyaasigii Puntland udhashayna kuna dhashay
la yiraahdo waxaa jagada madaxtinimada puntland u tartami karo cidii u
dhalatay PUNTLAND taasi waxaa marag
muujin kaaga filan sidiigudigii doorashooyinka puntland u soo saareen
sharuudaha laga rabo masharaixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka puntland tani waxay muujineeysaa sida Gobolada qaarkood
siyaasiyiintoooda aay u doonayaan siyaasad labo daam ku daaq. taasi oo hadii
aay suurtowdo horsedaaysa cadaalad daro iyo inaan weligeed soomaali heshiin.
Haddaba su'aasha
meesha taagan waxay tahay siyasigii muqdisho udhashay kuna dhashay intuu ka soo galayaa tartanka madaxtinimada maamulka Mqdisho
gobolka banadir marba haddii la yiri
”Muqdisho, mala kala laha oo Somaliweyn ayey ka dhaxeeyaa?”Taasi waa cadaalad daro, Diintuna ma ogala Gardaro aan geed loogu soo
gaban. Muqdishona maamulkeeda waa in lagu saleeyaa nidmaaka u
dhashay marba hadii PUNTLAND IYO GOBOLADA KALE QAATEEN UDHASHAY mana suurto
geli karto waqti xaadirkaan in soomaaliweyn u tartanto magalada Muqdsho. waxaana
leeyahay Siyaasiyiinta udhashay Magalada Muqdisho ha la dhowro Xaquuqdooda.
Ninna gurigiisa
looguma taliyo, mana looga roono. Magalada Muqdisho (Gobolka Banadir) waa caasimadii
soomaaliya (Soomaaliweyn) BALSE maamaulkeeda waa la kala yeelanayaa.
Waxaa jirta 3 xaquuqood oo uu leeyahay qofka mawaadinka ah ee degaanka u dhashay kuna dhashay.
Waxaa jirta 3 xaquuqood oo uu leeyahay qofka mawaadinka ah ee degaanka u dhashay kuna dhashay.
- Xuquuqda Bulshada waa qadamaad caam ah sida adeega guud, iskuullada caafimaadka in loo wada siman yahay. qadamadkaas waa wax dadka oo dhan ka wada dhaxeeyo ee ah adeegga Guud
- Xuquuqda Degaanka. waa la wada degen yahay dhismaha xoolaha qof walbo waxa uu tabcado ayuu leeyahay.
- Xuquuqda Siyaasiga waa in la dhowraa lalana simaa xuquuqaha siyaasiyiinta kale ee gobolada
Waxaanse rabaa in aan weydiiyo dadka wax dhaliila in ay ii sheegaan iyagoo caqliga aqoonta
isticmaalaaya sida ay ku suurtageli
karto ama ay caqli gal ku noqon karto in ninba gobolkiisa iska soo sharraxo,
xamarna la yiraahdo dadka oo dhan ayay u dhaxeysaa?.
Dardaaran
Digniin
Ugu dambeyntiina, Madaxada dalka iyo siyaasiyiinta
soomaaliyeed waxaan uga digayaa khatarta ay leedahay Gobollaysiga gumeystuhuna
doonaayey in ay tan dhacdo waana ay iska caddeed
Dadka degaanka u dhashay Muqdisho iyo siyaasiyiintooda aqbali
mayaan nidaam kor looga keenay haddii ay taas dhacdana waxaa imaaneeysa
Cadaalad darro, sadbursi iyo dagaal sokeeye oo hor leh.
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
http://yassin-mahi.blogspot.se/
No comments:
Post a Comment