Masiibada qabiilkaa dhacdoo weli la soo moodin
markalena markii
kale ka daran, majo bararna waa laga dhaxlay iyo mooryaan
kale ka daran, majo bararna waa laga dhaxlay iyo mooryaan
Waxaa ila haboon inaan marka hore qeexo mawduuca
aan ka hadleyo iyo inaanu mugdiga ka saaro ereyo dhawr ah oo dadka qaarkii
marar badan isku murgiyo macnahooda. Aanu isweydiinee Waa maxay qabiil? Waa
maxay qabyaaladdu? Markaa kuwaa u
helno macno ayaan dhex geli karnaa mawduuceena
Waa maxay qabiil[1]?
Qabiilku waa
koox bulsheed ka kooban jilibo iyo qoysas ka sameeysmay jiilal kala duwan.
Culimada cilmiga dadka waxey ku qeexaan
qabiilku inuu yahay isu-taga xaymo dad ah oo wadaaga af, caado, dhaqan iyo dhul
gooniya kaasoo ka soocaya qolooyinka kale halka aay dadyowga ilbaxay
mabaadi`ida danahooda ku saleeysan aay isku hayaan kooxaha.
Waxaa laysku raacsan yahay hanaankii
qolooyinku inay si aada uga cirib tirmayaan meeraha dhulka, ilbaxnimada
ayaana ku qaaday dagaal xoog leh oo meel mara. Hadii xitaa meelo aduunka ka mid
ah aay ku hareen waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay meel aduunka aad uga
danbeeyso.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa leysku
raacsan yahay qabiiku inuu yahay nidaam bulsheed ka mida heerarka taxanaha ahaa
ee tariikhdu ka soo gudubtey.
Waa maxay qabyaalad?
Waxaa lagu qeexi karaa dhowr siyaabood oo kala duwan waa mida koowaadee Qabyaaladu………
Waa qaaxo iyo
kaan karo iyo aydis qaab darane
Waa waxeey iblis
iyo fircoon ku inbtiloobeene
Waa cudurka
qaybaha bulshada qaran ku waayeene
Waa quuqan iyo
sixir qalbiga qaaciyo shidaaye
Waa qaabo qowseen
dagaal qac iyo Yaahoo`e
Waa waxa qoxooti
ka dhigay boqolaalku oo qoyse
Waa bukaan
cafimaad ka ordaayoo cudur u boodaayo
Waa[2] sanam qabyaaladuye hadaad
igu qanceeysaane
Waa qabiil qaran
badelay, qoray helay oo nakala
qaybshay oo aan
wax noo qaban yaa qubaayo dhiigeena
qalbigiina ka
ilaashada oo wadajir qiimeeya oo ilmaha yaan la qabadsiin
Qabyaalad[3] waa dareen qolonimo iyo u daacad ahaansho ka sad-bursiga iyo dulmiga
dadka intiisa kale……. Hadii si kale loo yiraahdo qabyaaladdu waa lahaansho cadiifad ku
saleeysan magac qabiilka taasoo aan jirteen hadii qofku uu ku xisaabtamaayo
faaa`iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku kaacyo asagoo meel iska
dhigaayo cadiifada oo caqliga ku
tiirsanaayo.
Waxaan ku soo koobi karnaa qabyaaladdu iney u dhega nugushahay xumaanta oo aanay wanaaga
maqlin, iyo iney indho la`dahay, taas waxaa u sii dheer iyadoo qabyaaladdu
samaysmata marka xumaati jirto oo dadka
mideeysa oo isu keenta, marka colaadaa dibada ka timidna dhamaato qabiilku wuu
kala baxaa oo isagaa dhexdiisa isa sii colaadiya.
Abuuritaanka
qofka lagu abuuro cadiifada lahaanshada qabyaalada ayaa waxay bilaabataa marka
uu ilmaha Soomaaliga ahi qiyaastii seddex sano jiro, markasoo lagu bilaabo in
la baro taxanaha magacyo laga bilaabay magaciisa ilaa labaatan ama soddon magac
oo midba mid dhalay, lana yiraahdo. Abtirso ilaa hada cidna isma weydiin
ilmaha yar maskaxdiisu soo koreyso ee u baahan in la baro waxyaabo anfaca oo
maxaa loogu horeeysiiyey taxanaha magacyadaas aanu wareerka meehee wax kale laga
heleyn.
Waxaaba taas ka sii daran magacyadaa la taxo
qofka ugu tirsiga dheer waxaa la yiraahdaa
LAAN DHEERE
waana darajada ugu sareysa ee qabyaalddu bixiso. Talaabada kale ee la qaado si
maskaxda cusub loogu talaalo geedka qabyaaladda ayaa waxay tahay in la`aamaano
qoladiina lana dhaliilo qolooyinka kale si maskaxdaasi ay diyaar ugu noqoto u
hogaansanaanta aragtida dadka magaca qabiilka adeegsada.
Qabyaaladdu
waa mada`a keliya ee kala bara dadka islamarkaasna aanan aqoonsaneyn
jiritaanka haweenka. Dastuurka qabyaalada ah ee Soomaalidu ma aqoonsana
jiritaanka haweenka Soomaaliyeed oo aay ku jirto hooyadaa gacaliso, walaashaada
aad jeceshahay, xaaskaada aad nafta qaybsataan iyo gabartaada
naxariista badan hadii aad nin tahay hadii aad
dumartayahna adiga ayeyna ku aqoonsaneyn dastuurka qabyaaladdu waayo?
Marka tiro la sheegaayo waxaa la yiraahdaa
intaas oo nin baa hebel ka tafiirmatay, lakiin lama sheego haweenka; waayo
maxeey galabsadeen? maxeeyse kaga duwan yihiin
wagii casri jaahiliga ee carabtu gabdhahooda xabaali jirey maadaama
haweenkeenu oo nool aynu dafirsanahay inkirsanaha jiritaankooda.
Yaa
abuura qabyaaladda xumaanteeda?
Mar hadii
aaynu isla garanay in qabyaaladdu ay tayahay cadiifad dhalanteed ah. Hadaba
su`aasha waxay tahay Yaa abuura? Yaa
adeegsada? Maxaa lagu falaa? Yey wax u tartaa qabyaaladdu?.
Baaritaan iyo u kuurgal lagu sameeyey in la
ogaado kuwa ay yihiin dadka qabyaaladda isticmaala ama abuuraa aayaa lagu
ogaaday arimaha soo socdo:
kow qabyaaladda caadifadeeda waxaa abuura qof
aan lahayn
- Aqoon
- Farsamo
- Karti
- Kalsooni iyo Dadnimo uu
kaga qeyb qaato tartanka nolasha,
Taasoo u sahlisa inuu ku dhuunto humaagii
dhalanteedka ahaa aynu soo sheegnay. Dadka xirfadaha sarre leh ayaa ugu
qabyaalad yar dadka Soomaaliyeed. Waayo? Wexey og yihiin ineey xirfadahoodu ku
meel mari karaan.Si aad u xaqiijiso iney abuuraan kuwa ka gaabiyey geedi
socodka nolosha,
Abuuritaanka
iyo abaabulka cadiifada qabyaaladda waxaa iyana loo aanaynayaa dadka ka
gaabiyey hayaanka nolosha iyo kuwa ka saaqidey ama ka dhacay imtixaanka
tartanka jagooyinka banaan ee nolosha. Kuwaasoo u arka sida kaliya ee ay ku
noolaan karaan iney tahay ku dhuumashada humaaga dhalanteedka ah ee qabyaalada
ee aan lagaranay bar-bilaw iyo bar-dhamaadkiisa.
Waxaa kale oo iyana abuura kuwa danbiyada
geysta ee doonaya inay ka dhigtaan gabood laga hoos galo sharciga waxaaney
dadkaasi wadankeena ku bateen sanadihii ugu danbeeyey ee ay sii tukubeeysey
dawladii la riday iyo waqtigaan faro-ka baxa ah ( dawlad la`aanta.)
Diinta islaamka maxeey ka tiri qabyaalada iyo qabiilka
Diinta islaamku waxay qabyaalddu u bixisaybo ”Casabiya
jaahiliya”
Alle weyne kor ahaayey wuxuu quraankiisa kariimka ku yiri:
”Dadoow waxaan idiinka abuuray lab iyo
dhidig, waxaana idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsataan,
ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrsasho badann Eebe
wax walbo waa ogyahay”49:13
Aayadaas quraanka ahi
waxay inoo sheegeysaa ujeedada keliya ee dadka qabiilooyin iyo shucuub magacyo
kaliya looga dhigay iney tahay aqoonsi aay isku aqoonsadaan oo kali ah. Isla
aayada qeebteeda danbe Ilaaheeysw waxaa uu ku cadeeynayaa in qofka
magacyadiisa iyo abtersiimadiisa inaanay qofna siineeynin darajo iyo sumacad
midnaba ee sharftu Ilaaheeysw agtiisa waxey ku xiran tahay camalka
qofka sameeya taasoo digniin u ah dadka si ay isaga ilaaliyaan is-xaqiraada iyo
is-weyneynta magaca qabiilka ku dhisan taas oo hoos galeyso qeexida
qabyaaladda ee ahayd ka sad-bursiga dadka intiisa kale.
Hadaba aniga
waxaa ila quman oo ila haboon in lakala saaro qabiil iyo qabyaalad qabiilku waa
nidaam bulsheed uu Illaaheeysw inoo jideeyey, waana inaan u argnaa ururo rabaani ah oo looqeybiyey
shacabka,islamarkaasna laysku aqoonsado.
Waxaa ila
wanaagasan in qabiilka loo sameeyo xeerar qoran oo cad cad kaasoo tilmaamaya ujeedooyinkiisa,
waajibaadkiisa iyo waxqabadkiisa isla markaana ku tiirsanado
shareecada islaamka iyo xeerarka wanaagsan oo la xiriira kan aay ummadu
leedahay.
markii loo
sameeyo qabiilka nidaam cad ama lagu hago dariiq fiican, hadii uu keeno iska
hor imaad weey fududaanaysaa in lala xisaabtamo. Sideedaba harqaanluhu
qofkastaa cabirkiisa ayuu dharka u tolaa, hadaba shacabka soomaaliyeed waa in
loo helaa nidaam ka taliya aayatiinkooda, hadii kale waxaa dhaceeysa dhar
aaysan lahayn in ummada soomaaliyeed lagu dirqiyo taasoo keeneeysa fadeexad iyo
qaawanaan.Maki xaaji banaadir wuxuu murti uu ka tiriyey in soomaalidu mid tahay
ayuu yiri
Heerka aan
cadaalada iyo qabyaalada aan ka taaganahay hadaan soomaali nahay waxaa tusaale
u soo qaadan karnaa kaba dhig in qoraxda iyo dayaxa ka mid yihiin qabiilada
soomaaliya qofna la qabiil tahay qoraxda, qofna Dayaxa waxaa hubanti ahaan
lahayd hadii la waydiiyo Qoraxda iyo Dayaxa keebaa iftiin badan waxaa la hubaa
ki dayaxa la qabiilka ahaa dhihi lahaa Dayaxa ayaa Iftiin badan heerkaas ayaan
ka taagannahay qabyaalada
Sideedaba cid
dooratay ma jirto ineey noqoto qabiil HEBEL inuu noqdo mase ogtihiin
soomaliyeey in qabiilka la yiriaah HEBEL leeyahay ee uu ka kooban yahay caruur,
ciroole, culima udiin, aqoonyahan, curyaan iyo wax alaale iyo waxay dad qabiil
ama beel ah lee yihiin. Mida kale markuu Ilaaheey soomaaliya dal la dhaho
soomaaliya sameeynaayey wuxuu bartamaha u dhigay ee uu ugu talo galay qabiilada
soomaaliya inuu qabiil HEBEL ka mid ahaado. Marka hadaad nacdo karaahyeysato
dadkaas soomaaliyeed ee sharafta leh waa adigoo Ilaaheey eed iyo danbi wayn ka
galay Macnah dhabta ah ee meesha ku jirtaa waxeey tahay qabiilkaas HEBEL hadii
la waayo- soomaaliyana waa la waayey oo ma ay jireeyso! Sababtoo ah Ilaaheey oo
isaga ah midka talada iska leh iyo dunida sida aay noqoneeyso ayaaba sidaa ugu
talo galay.Qofkasto oo soomaaliyeed oo dalkiisa iyo ummadiisa jecelna waxaa
qasab ku ah inuu jeclaado walaalkiis ama walaashiis Qabiilka HEBEL.
Qabiilka HEBEL la
dhaho ee soomaaliyeed qofka dhibaato ama xumaato u niyeysta waa qof cado u ah
ummada iyo dalka soomaaliyeed.
Qofkaas soow maha qof
Ilaaheey barnaamijkiisii ka hor yimid? Sidee baadse u nici kartaa dadkaaga
Soomaliyeed in ka mid ah oo ka tirsan in kalena u jeclaan kartaa?
Qabiil hebel
maaliny´tii la waayo soomaalina waa la waayeyaa sababtoo ah dadkaasi waa qayb
ka tirsan ummada soomaaliyeed oo waayistooda waa wayista Soomaaliyeed.
Qabiilka waa
aqoonsi wuxuuse soomaaliya ka yhay xitaa adresska qofka.
Dunida horumartay
waxaad maqli hebel (faarax) oo degen jidka hebel xaafad heblaayo, dalka hebel.
Soomaaliyana mararka qaar waxaad maqli jirtay qof leh waxaan waraaq ama
cajalada u wadaa hebel oo qoloheblaayo ah ee yaa yaqaana?waxaad isla markiiba
fahmeeysaa iney qabyaaladu tahay cinwaan (adress) aay isticmaalaan dadka
cilmiga baran oo aqoon haba yaraatee lahayn waxna aqriyin waxna qorin kana
yimaada baadiyaha iyo qurbaha
Maadaama hada
aduunka horay u maray lahaelay taleefoono adareesyo jidad fududeeya howlahaas
aqoontiina aad moodo ineey sii kordheeyso waxaa haboon in laga gudbo arimahaas.
Qabyaaladu
faa`iido ma leedahay?
Qabyaaladu
faa`iido aay leedahay ma jirtaa? Waa su`aal u baahan in lays waydiiyo balse
adigoon jawaabta meel dheer ka doonin Haa, lee isticmaal oo qabyaalada
faa`iidadeeda waxeey tahay wax walbo oo aduunka jiro sun xitaa Allaha ka dhigee
dhinac faa`iido ah ayey leedahay. hadaad maanta khasaarto, faa iidada aad ka heleeyso
khasaarahaas waxaa la yiraahdaa "KHIBRAD"
waxeeyse faa`iido u leedahay jiilka dambe ee
soo koraayo Inagii ku gubanayee yeysan ubadkaas soo koraayo ku guban.
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.se
www.somaliweyn.com
http://yassin-mahi.blogspot.se/
No comments:
Post a Comment