Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
islamarkaasna Caasimadu waxey noqoneysaa Dowlad Goboleed. (Qaybtii 2aad)
islamarkaasna Caasimadu waxey noqoneysaa Dowlad Goboleed. (Qaybtii 2aad)
Waxaa Ilaaheey Mahadiisa
ah in hogaanka Baarlamaanka federalka Soomaaliyeed iyo dadka ka soo jeeda
Gobolka Banadir isla garteen in gobolka banadir noqdo dawlad Goboleed ka madax
banaan Dawlada federalka. Waxaa taas lagu cadeeyey oo lagu qeexay in markii Dastuurka dalka dib u eegis
lagu sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article
9, Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Maqaam u gaar ah waxaana
laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:
1) Mogadishu waa
caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed).
(3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqon-karto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaarsato.
(4) Maamulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wadashaqeynta sida uu qorayo Dastuurka.
(5) Si gaar-ah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari- doona xaalada Muqdisho. Ayada oo taas i farxad geleineeyso ayaa hadan waxaan rabaa in aan dadka soomaaliyeed uga war bixiyo waxa aay kala yihiin Gobolka Banadir iyo magalo madaxda muqdisho.

Gobolka Banadir Maaha
caasimada Soomaaliya ee waa gobol ka mid ah gobolada dalka soomaaliya tirsigiisuna
yahay 18 ka gobol ee wadanka Soomaaliya ka jira, Casimada soomaaliya waxaa lagu
magacaabaa Muqdisho waxayna ku dhax taalaa Gobolka Banaadir, Dad ku dhow ilaa 3
milyan qof ayaa ku nool gobolka banaadir dadkaas oo kala ah dadka u dhashay ee
ka soo jeedo gobol, dad dhaqaalo doon oo ganacsato ah, kuwo man-sab doon ah, kuwo
nolol doon ah kuwo baro-kacayaal ah, kuwo waxbarasho doon ah iyo kuwo kale oo
badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.
Hadaba weli ma aaysan dhicin oo fursadna looma siin in
dadka ka soo jeeda Gobolka banadir si taxadar leh ineey uga fekeraan ayahooda
iyo masiirka mustaqbalkooda sida uu noqonaayo.
Markii la soo hadal qaado Gobolka Bandir dadka
Soomaaliyeed waxaay soo hadal qaadaan Caasimada wadanka Soomaaliya laakiinse
hadal kaasi sax maaha waayo?
Gobolka Banaadir waa Gobol la xaquuq ah gobolada kale ee Dalka Soomaaliya ka jira.
Gobolka Banaadir waa Gobol la xaquuq ah gobolada kale ee Dalka Soomaaliya ka jira.
Dadka kale ee deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada kale
waxaa aay ku guuleeysteen in aay ka dhistaan maamul federaali ah ee gobolada
aay ka soo jeedaan ayagoo raali isaga ah xitaa haduusan waafaqsaneeyn Dastuurka
Dalka
Dadka ka soo jeeda Gobolada kale uma haystaan in
Gobolka banadir inuu yahay Gobol la mid ah Gobolada kale ee dalka waxay u
haaystaan caasimada soomaaliya iyo meel u dhaxeeysa soomaaliya oo idil Gobolka
Banadir waa gobol la xaquuq ah Gobolada kale la siman.
Sidoo kale dawladihii isbed-bedelaayey waxaa aay ku
magaacabaan waraqad ka soo baxda xafiiska madaxweynaha waxaana gudoomiyaha
gobolka ee yimaada wuxuu si toos ah u hoos tagaa madaxda dowlada dhexe wuxuuna
islamarkiiba ku dhax milmaa hay adaha dawlada dhaxe umana dhaqmo sidii Gobol
madax banaan oo la mid ah gobolada kale.
Balse taas wax aay dhaxalsiisay Gobolka Banadir in
xaquuqdii uu lahaa la duudsiiyo.
Waxaan ognahay daqliga soo galo Gobolka banadir waxaa
uu si toos ah ugu dhacaa Khasnada dowlada dhaxe taas oo aan jirin daqli soo
galo Gobolka Banadir aduunkana dhaqaalo ayuu ku xiran yahay mar haduusan
dhaqaalo meesha jirin waxaa dhumaayo amnigii nolashii aas-aasiga ahaa ee in si
siman loo noolaado la helo waxbarasho lacag la aan ah, caafimaad lacag la aan
ah, dhalinyarada loo abuuro shaqo iyo xirfado aay ku shaqeeystaan waxaas oo
dhan waay ka qatan tahay Gobolka Banadir.
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.se
Wixii talo ah walaal halkaan nooga reeb adoo mahadsan.
No comments:
Post a Comment