Wednesday, July 1, 2015

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP oo shacbiga Soomaaliyeed ugu habalyey Sanad guuradii 55 ee 1 Luuliyo 1960.




Asalaama Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu!
Walaalayaal, waxaa sharaf ii ah maanta inaan idiin habalyeeyo munasabadda weyn ee qiimaha gaarka ah inoo leh ee 55 guurada maalintii la taagy calan Soomaliyeed ee xor ah iyo isku darkii labada gobol ee Soomaaliya ee xoroobay (Koofur Soomaaliya iyo Waqooyi Soomaaliya) oo xoriyadooda ka kala qaatay Mustacmarkii Ingiriiska iyo Mustarmarkii Talyaaniga.

             Walaalayaal Munaasabadan waa munasabad qaali ah oo mudan in qiimo gaar ah loo yeelo, dhallinyaradeena iyo ubadyadeena soo koraay lagu barbaariyo si gaar ahna loo baro 1da Luulyo waxa ay tahay iyo waxa ay xambaarsan tahay.
Walaalayaal in la helo Soomaali xor ah oo madax bannaan waxaa loo soo galay halgan dheer, waxaana loo soo huray Naf, Maal iyo waqti badan.
Sida taariikhda aan ku akhrisanay ,Gobanimada Soomaliya aay gaartay, waxaa halgan adag u soo maray dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana ka xusi karnaa 13kii dhallinyaro ee Aasaasay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed S.Y.L  (  Somali Youth League ).
          Awoowayaasheen u soo halgamay xoriyadda Soomaaliya abaal ayey nagu leeyihiin, abaalkooda Kan ugu qiimaha badan waa inaan dhawrnaa, dhaqaaleysanaa, horumarinaa mirihii ay noo dhaliyeen iyo dhaxalkii ay nooga tageen oo ah calan xor iyo wadan sharaf iyo karaama leh.
Walaalayal dhaxalka aad heshaa waa la dhawrtaa waxna waa lagu saa'idsadaa ee dhaxalka la isagama dheelo.
Soomaalya waxa ay ka mid ahayd wadamada Afrika ee Xoriyadooda qaatay 1960kii, muddo gabanna waxa ay gaartay guulo faro badan , Qarankuna waxa uu noqday mid karaama leh ee laga qiimeeyo aduunka oo dhan, wuxuuna ahaa wadan leh ciidamo aduunka oo dhan laga qiimeeyo, garsiisnaa ciidanka ugu itaalka badan Afrikada Madoow haddii laga reebo wadanka Naijeeriya.

Hambalyo:
Waxa aan munaasabadaan Hambalyo iyo Bogaadimba  ugu soo jeeedinaya dhammaan Ummadda Soomaaliyeed mell kasto oo ay joogto mid yar iyo mid weynba  , mid caafimaad qaba iyo mid xanuunsan,mid Nabbad ku Nool iyo mid Nabbadgelyo la´aan ku Suggan, mid Gaajeesan iyo mid Dhergan.
 
waxana Eebbe uga baryayaa in:
·        Inta jirran uu Alle Caafimad siiyo.
·        Inta nabbadgelyo la`aanta ku nool in Alle nabbad siiyo-
·        Inta Gaajeesan in Alle gaajada ka sooro.
·        Dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu Nabadgelyo iyo Horumarba Gaarsiiyo.
Baaq :
Aniga oo ka faaideysanaaya munaasabadan waxaa halkan baaq Nabaded uga soo jeedinayaa dhammaan inta colaadda isaga soo horjeedda ee Soomaaliya min Raas kambooni ilaa Raas casayr, gaar ahaan waxa aan baaq nabadeed u soo jeedinayaa Hogaanka Sare ee Dawladda Soomaaliya in ay ku dadaasho siidii loo baajin lahaa dhiig Soomaaliyeed ee daata, isla markaana qalbiga ay ku hayso:
1) Sidii loo badbaadin lahaa Maatida dagaalada wax ku yeeloobeyso
2) Iyo sidii loo daryeeli lahaa inta guryahoodii ka barakacday ee ku sugan goobaha ay u qaxeen ee aan haysan cid u maciinta, hay`adihii u kaalmeyn lahaana nabgdelyo la´aan darteed ay u gaari la´yihiin goobaha gargaarka looga baahan yahay.

Sidoo kale Caalamka waxa aan u soo jeedianayaa in arimaha Soomaaliya si daacadnimo ah xalkeeda loo raadiyo wixii wax u dhimaaya shacabka Soomaliyeed wax u aan la shaqeynin.

Ugu danbeeyntii Soomaalidana waxa ay tirahdaa:
Ilko wada jir bey wax ku gooyaan.

Soomaaliya Ha Noolaato, Soomaaliya Ha Israacdo, Soomaaliya Ha Midoowdo, Soomaaliya Ha Guuleeysato, Cadawgeedana ha jabo, Noolaada walalyaal Mahadsanidiin.

Isha Wararka SSUP
www.ssup.se
info@ssup.se

1 comment: