Monday, February 26, 2018

HAYAANKII HAMIGEYGA IYO RIYADII HOOYO OO RUMOWDAY QAYBTII 1AAD






BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Bisin Eebe waa boqor 
Waana barakadii Nabi 
Wixii lagu bilaabo Ma ba`aan, 
Ma baaqdaan Mana bedan xumaadaan 
Hadaan booli lagu darin 
Beentiyo qiyaanada 
Iyo balan qilaafka 
Astaamaha bayaankee 
Munaafaq ku caan baxay 
Yey dantaada beylihin 
Bulshadaad kaa duwin Bismilaahi 
waa nabad waa nabad barwaaqaa 
Ilaaheey halaga baqo 
Baro waajibaadka 
Xaqa iyo baadil kala saar 
Jidka samaha beegsoo 
wixii lagu bad-baadiyo 
badi talada Khayrka 
berigeey run gaarto 
bilanoow kitaabka 
yaan bidix lagaa siin 
Bismilaahi waa nabad 
waa nabad barwaaqaa 
Ilaaheey halaga baqo.
....................................................
Tixdaan  waxaa tiriyey Mohamud Ali Alasow, Jaani Dheere.


Buuggani wuxuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku dhiirrado Shakhsi Soomaali ah inuu wax ka qoro nolashiisa, haddaad arki jirtay ruux laga qoro buugaag ama laga sheekeeyo nolashiisa, maanta waxa aan go`aansaday mid taasi kasoo horjeedda oo ah in aysan naftayda cidna iga xigsan inaan Shaqsiyadayda iska hadlo oo aan aniga is tilmaamo qofka aan ahay.
            Waxaan Aabaheey Maaxi Macalin Maxamuud ka maqli jiray:
Haddii lagu sheego waa lays sheelaa,
haddaan lagu sheegina waa laysa sheegaa.  
Laga yaabee in ay dadkeenna ku cusubtahay aragtidaan laakiin waa run iyo xaqiiqo ay dunida kale ina dheer tahay in shaqsi uu isaga naftiisa buug ka qoraaya.

Yaasiin Maaxi Macalin Yuu yahay??????? Su aal u baahan inaan soo koobo
Waxaan ahay Nin shukriga Illaahiyo shahaadada qiraan ahay
Nimaan shuqulka sheydaan shabaheeynin baan ahay 
Nin aan sharafta somaaliyeed sheyna siisan baan ahay.

HORU-DHAC

Dunidan aynu ku nool nahay, qof waliba maalin buu ka tagi, ama ay tiisa noqotaa oo uu dhintaa aduunkana ka faaruqaa, sidaa darteed, waxa habboon, oo qurux badan, islamarkaana fiican, in uu qofku ummaddiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo uga tagaa wax wal uu maankiisa ku hayo inta uu buug kusoo aruuriyo dabadeedna uu qoro si ay dhaxal reeb ugu noqoto jiilka isaga ka danbeeyo. Waari meeysida war hakaa haro. Soomaalida oo aan aniga asal ahaan ka soo jeedo, waxa ay u badan tahay in wax uun oo maankooda ku jira ay isugu tebiyaan oraah ahaan. (Waa bulsho af-maal ah), waloow aad muddooyinkaan danbe modayso in ay Soomaalida kasii gudbayso hadalkaasi ahaa in ay tahay bulsho af-maal ah, una xuub siibatay in ay wax qoraan, waxaa aan taasi ku tilmaami karaa libin iyo guul dadkeenna u soo hoyatay.

               Sidaa oo kale waxaase jiilkan cusub ee maanta joogaa ay la jaan qaadayaan faca dhigooda ah oo waxaa ka muuqda durbadiiba ifafaale aqooneed oo ay Bulshadooda uga tagi karaan iyo wax muuqda oo taariikhi ah. Buuggan oo aniga aan qoray, waxa uu u badan yahay waayihi nololeed ee aan soo maray oo si guud iyo sigaar ahba aan uga waramaayo. Waayahaasi waxa uu noqon karaa cashar ama dersi laga baran karo dhacdooyin badan oo maankeyga ku suntan. Taariikhaha uu buuggan xambaarsan yahay waxa ay isugu jiraan kuwa aan soo maray oo sheeko ahaan aan ku hayo garashada wakhtigooduna maanka aad ugu yar yahay iyo dhacdooyin badan oo kale oo aan goob joog u soo ahaa. Haddii si kale aan u dhigo buuggani waxa uu gebi ahaan xambaarsan yahay dhacdooyin taariikheysan oo nolosheydii oo dhan siyaabo kala duwan uga waramaaya.

Qaybo badan oo buuggan uu ka kooban yahay waxa ay ka soo unkamayaan dhalashadeydii iyo ilaa bilawgii dambe ee nolosheyda qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Sweden. Safarkaasi dheer, iyo waayihii aan xambaarsanaa, waxa ay ka muuqdaan buuggan, aniga oo isku dayi doono in aan u soo gudbiyo dhacdooyin sidii silsiladda oo kale u xiriirsan oo leh afkaarta i tusi oo i taabsii waxqabadkeeygii, Hayaankii Hamigayga iyo Riyadii Hooyadey oo rumoowday, ayaad si quruxbadan uga dheehan doontaan buuggan hadduu Eeba waynaha qadaro. Bulshada Soomaaliyeed, waxaa dhaqan u ahaa in ay ku dadaalaan sideey ku soo bixi lahaayeen dhalinyaro ku tilmaaman qiimeynta ugu sareysa ee Jid fashe – kali iyo koox - oo lafdhabar u noqda horumarka bulshada. Dhaqankaas wanaagsan, guulihii laga kasbay waxaa ka mid ah curashaddii naadigii dhalinyarada ee gobanimodoonka ahaa (SYL) iyo halgankoodii qiimaha badnaa ee lagu gaaray madaxbanaanida. Dhaqanka bulshada casriga ah waa dhaliilo badan yahay, waxaa ka soo baxay dhalinyaro lagu qiimeyn karo Jid gooye, waana tan keentay in dhalinyarada maanta ay noqdaan xaabada lagu shido dagaalada sokeeye iyo in bulshadu ka soo kabsan weyso dib u dhaca ku yimid. Meel aadan mudneyn ka muuqashadeeda, waxaa kaa raaca magac aadan mudneyn, horaa loo yiri “Haddii ay ku moosaan karti ayaa la isku muujiyaa” Waayadaan danbe, waxaa soo shaac baxay dhalinyaro dooneysa in ay si madaxbanaan u muujiyaan doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dalkooda ee raba in ay gacantooda ku dhistaan aayatiinka mustaqbalkooda. Ujeeddadaas qiimaha weyn dhiiri gelinteeda ayey qayb ka tahay in aan dhalinta iyo jiilka mustaqbalka u horseedo mustaqbal hurmuud u noqdo aayatiinkooda wixii maankeeyga ku suntana aan buug ku qoro.


Bogga Hore ee Buuga





Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.so
www.somaliweyn.com
www.yassinmahimallin.com
http://yassin-mahi.blogspot.se
.................................................................................................................................................
FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hayaankii Hamigeyga iyo Riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo baxay, Yaasiin Maaxi Macalin waa  Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP. Gudoomiyaha waxaa lagala xiriiri karaa: maaxi@hotmail.com

No comments:

Post a Comment