Saturday, March 3, 2018

Ujeedo: Warsaxaafadeed Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed



 

                      Tariikh: 03 maarso, 2018  

Ujeedo: Warsaxaafadeed Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed

Bismilaahi, Raxmaani, Raxiim

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Maaxi oo aad u cabaareeyey hadalkii ka soo yeeray Faysal Cali  Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland ka dhisan ee ku aadaneed hadalkii gafka ahaa ee sida tooska meel kadhac ahaa ee u geestay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka xukamda Federalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jama asagoo adeegsanaya erayo xanaf leh ee lid ku ah hab dhaqanka suuban ee Diin islaamka iyo Dareenka ilbaxnimda ku qotama intaba. Asagoo u dhaqmaya sidii cadaanka tirada yaraa ee Gumeeysiga Suoth Afrika ee midab takoorka ku dhisnaa. Asagoo inkiraya jiritaanka Beelaha waaweyn ee ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa ee magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed guud ahaanteeda kuna caan baxday Bulsho Nabadeed, wax soosaara, dawladnimo jaceeyl iyo is xaqdhowr leh aan la inkiri karin.

Hadaba Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaan Siyaasi qar iska tuur ah oo jir jiroola ah una baahan dhaqan celin oo aan lahyn mabda`saldhig adag leh oo aan carabkiisa iyo dhagahiisa iska warqabin. Ayadoo aan ognahay inuu qof kasto uu hadlo garaadkiisa.

Hadana waxaan waxgardka iyo walaalaha Soomaaliland ee sharafta leh  ka codsaneeynaa inay ka fiirsadaan taageerida Faysal Cali Waraabe iyo Xisbiga UCID ee cunsurinimada ku dhisan iyo gabood falka joogtada ah ee uu caadeeystay.

Anagoo u aragno inuusan lahyn biseyl Siyaasadeed iyo mid aqooneed ee lagu kasban karo hogaamin ummadeed xiligan oo caalamka ka gudbay heyb sooc iyo cunsuriyada isla weynida ku dhisan iyo riyo been ah. Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqeeynaa ineey ka joojiso taageerida dhaqaale aay siineeyso Faysal Cali Waraabe asaga iyo xisbigiisa.

Waxaa sidoo kale ugu baaqeeynaa in dawlaada Finland ay talaabo ku haboon ka qaado madama uu haysto dhalashada Dalka Finland. Isagoo ku xadgudbay qawaaniinta caalamiga ee ka reeban cunsuriyada iyo wixii soo raaca.

Ugu danbeeyn wuxuu Gudoomiyha iyo Gudiga fulinta ee Xisibiga SSUP si deg deg ah ugu baaqayaan inuu Faysal Cali Waraabe raali gelin buuxda ka bixiyo gefkii uu u geeystay Shaqsiyada Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Marwo Maryam Aweys Jama iyo weliba Mushtamaca Soomaaliyeed uu gefka u geeystay, kana waantooobo hadalada Hadoofka ah ee had iyo jeer butulqnimada ku saleeysan. Uuna kala fahmo farqiqa u dhaxeeya xiriirka Siyaasada iyo midka bulshada saameeya. Waxaan maqli jiray Maah-maah oraneeysa ”Ruuxii magaciisa ku deeqa ayaa Muuqiisana ku deeqa”  (Waraabe)
Wabilaahi Tawfiiq Allaa wax og!

FG: Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed ayaa 3 dii November  gudoonsiiyey 7 xisbi siyasadeed shahaadada aqoonsiga kuwaas oo buuxiyey sharuudaha ka midnoqshada xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ka diiwan gashan.  Hadaba Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP) wuxuu ka mid yahay 7daas Xisbi siyasadeed ee sida rasmiga ah ee wadanka Soomaliya uga diiwaan gashan ilaa iyo hada.
Gudoomiyaha:
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP)
Yaasiin Maaxi Macalin

No comments:

Post a Comment